Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa sargaal ciidan iyo labo korneyl, sida ay sheegtay wakaalada wararka Reuters oo soo xigatay masuuliyiin jooga magaalada Gaalkacyo.
Xerada ayaa xarun u ahayd ciidan isku dhaf ah oo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, sida uu Reuters u sheegay Cabdirixmaan Xaaji oo katirsan ciidanka booliiska.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, afhayeenka howlgalada ee Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Reuters u sheegay in shan qof ay ku dileen weerarka.