Qorshahaan ayaa qayb ka ah dadaalka dheer ee kala-guurka ah ee lagu doonayo in lagu abuuro lana kobciyo ciidamada Soomaaliya.
Bisha Febaraayo ee sanadka 2020 ayaa la dhimi doonaa ciidamada iyada oo AMISOM laga dhigayo 19,626 askari.
Qorshaha kala-guurka ah ayaa la bilaabay sanadkii 2017 waxaana la qorsheeyay in si rasmi ah ciidamada Soomaaliya ay masuuliyada ula wareegaan sanadka 2021.
AMISOM ayaa Soomaaliya timid sanadkii 2007 iyada oo ujeedadu ahayd sidii loo sameyn lahaa howlgalo nabad ilaalin ah. Wadamada ciidamada ku tabarucay ayaa waxaa kamid ah Burundi, Uganda, Djibouti Ethiopia iyo Kenya.