“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa guddoomiyaha gobolka Nugaal in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay February 6, 2020, Dowladda Puntland ilaa amar dambe ay xirtay xafiiska Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku yaalay Garoowe.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.
War-saxaafadeedka laguma faahfaahin sababta keentay xirista xafiiska, balse tilaabadan ayaa timid kadib markii dhawaan Puntland ay ka soo horjeesatay sharciga doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan dabayaaqada sanadkan 2020.