Garoowe-(Puntland Mirror) Janaraal ciidan oo khibrad dheer leh Axmed Cabdi Cali oo loo yaaan Qalyare ayaa lagu dilay qarax miino oo ka dhacay buuralaydaka Caal-Miskaat ee gobolka Bari maanta oo Talaado ah, sida ay ilo-wareedyo ciidan u xaqiijyeen Puntland Mirror.
Qalyare oo ahaa taliyaha ciidamada guutada Duufaan iyo taliyihii howlgelinta ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacish ama ISIS ayaa qarax miino la kacday gaarigiisa, halkaas oo uu ku dhintay isaga iyo darawalkiisii, sida ay ilo-wareedku intaas ku dareen.
Waxa uu ciidamada ku jiray muddo dheer, waxa uu kamid ahaa ciidamada xooga dalka ee xukumadii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, isagoo soo noqday taliyihii ciidanka xooga dalka ee gobolka Awdal.
Waxa uu door weyn ka qaatay dhammaan dagaaladii lagu difaacayay dowladnimada Puntland oo ugu damabyn u geeriyooday isagoo safka hore kaga jira dagaalka kooxda argagixisada ah ee ISIS.
Sanadkii 2023, isagoo hoggaaminaya guutada Duufaan waxa uu qeyb libaax ka qaatay halgankii maamulka Somaliland looga saaray gobolka Sool.
Boqolaal dad shacab ah iyo masuuliyiin hore iyo kuwa hadda ah ayaa baraha bulshada uga tacsiyeeyay geerida Qalyare.
Beri oo Arbaco ah ayaa aas qaran loogu samayn doonaa magaaladisii Garoowe, halkaas oo la keeni doono maydkiisa, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.