Puntland oo diyaar u ah weerar ka dhan ah kooxda ISIS ee buuraleyda Bari

Puntland Mirror
0 Min Read
Boqolaal ciidamada qaybahooda kala duwan oo howlgalka ka qeybgalaya oo maanta la soo bandhigay. [Isha Sawirka: PMPF]

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay inay dhammaystirtay diyaarinta weerarka ka dhanka ah kooxda ISIS ee ku sugan dhulka buuralayda ee gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa hadda diyaar u ah inay tallaabooyinkii ugu horreeyay qaadaan si ay u soo afjaraan argagixisada ku sugnaa deegaanadaas in ka badan toban sano.

Qeybo kamid ah ciidamada kala duwan ee Puntland oo loo diyaarshay howlgalka ayaa maanta la soo banddhigay, sida lagu faafiyay bogga Facebook ciidamada difaaca Puntland.

Daacish ayaa fariisimo ku lahayd deegaanada buuralayda gobolka Bari tan iyo sanadkii 2015. Kooxda ayaa weeraro ka geystay magaalada Boosaasku kuwaasoo ay ku bartilmaameedsaday masuuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah. Hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin ayaa loo doortay hoggaamiyaha kooxda ee caalamka, sida ay yabiyeen warbaahinta Mareykanku.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *