Shalay oo Sabti ahayd, garsoorayaasha gacanta ku haya kiiska ayaa dowladda Puntland ka codsaday in ay u soo dirto ciidamo si ay u ilaaliyaan amaankooda, sida uu sheegay wasiirka howlaha guud.
Garsoorayaasha ayaa la filayaa inta lagu guda jiro maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqaan go’aanka kama dambaystay ah ee maxkamada.
Asbuucii lasoo dhaafay, shan wiil oo dhalinyarada degmada Galdogob ah ayaa la xiray kuwaasoo lagu eedeeyay in ay kufsadeen ayna mindi ku dhaawaceen gabar yar oo 16-sanno jir ah.
Dhibanihii ayaa loo qaaday isbitaal kuyaala magaalada Gaalkacyo si loogu daaweeyo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.