Maxaabiista ayaa ku jiray xabsi kuyaala magaalada Boosaaso muddo sideed bilood ah kadib markii maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari ay ku xukuntay in ay si sharci daro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.
Bishii Oktoobar ee 2017-kii, hal badmaax oo u dhashay dalka Iran ayaa dhintay kadib markii ciidanka badda Puntland ay rasaas ku fureen labo doonyood oo ay wateen maxaabiista la sii daayay maanta.