Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxa Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, Cabdiqaadir Maxamed Xayir (CM Hayir), ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyey bahda warbaahinta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, kuwaas oo door muuqda ka qaatay tebinta doorashadii maanta ka dhacday degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.
Cabdiqaadir ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Agaasimayaasha, Soo-saarayaasha, Farsamo-yaqaannada, Filim-qaadayaasha, Sawir-qaadayaasha iyo Wariyeyaasha ka qaybqaatay tebinta iyo gudbinta xogaha la xiriira doorashada.
Wuxuu ku bogaadiyey bahda warbaahinta dadaalka iyo shaqada ay geliyeen wacyigelinta bulshada iyo gudbinta xogta saxda ah intii ay socotay doorashadu, isaga oo xusay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay in bulshada loo fududeeyo helitaanka macluumaadka ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka.
Ugu dambayn, Cabdiqaadir Maxamed Xayir ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka Puntland fursadda iyo kalsoonida ay siiyeen qaybta Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, taas oo u sahashay inay si hufan bulshada ugu fududeeyaan helitaanka xogaha iyo wararka la xiriira doorashada.
Doorashada maanta ka dhacday saddexda degmo ayaa qayb ka ah geeddi-socodka doorashooyinka Puntland, iyadoo warbaahintu door muhiim ah ka qaadatay tebinta dhacdada iyo gaarsiinta xogteeda bulshada.
