Kulanka ayaa looga wadahadlay sidii labada maamul ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta ammaanka magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug oo dhan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Facebooka wasaaradda arrimaga gudaha Puntland.
Gaalkacyo ayaa asbuucyadii u dambeysay waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo isxig-xigay.
Weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacay Gaalkacyo bartamihii bishan May ayaa lagu dilay guddoomiyihii Puntland ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, waaxana masuuliyada weerarkaas sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab.