Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo ISIS ayaa sanadihii u dambeeyay gudaha magaalada Boosaaso ka fulinayay weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan masuuliyiinta dowladda, ciidamada, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka.