Nabadoon lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

Nabadoon Cabdullaahi Cali Sugule. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Cabdullaahi Cali Sugule, oo ah nabadoon iyo ganacsade ayaa si xun loo dhaawacay kadib markii niman hubeysan oo aan la aqoonsan ay ku weerareen meel u dhow gurigiisa magaalada Boosaaso fiidnimadii Sabtida, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo ISIS ayaa sanadihii u dambeeyay gudaha magaalada Boosaaso ka fulinayay weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan masuuliyiinta dowladda, ciidamada, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*