Garoowe-(Puntland Mirror) Munaasibada sanadguurada 60-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa la joojiyay, taasoo qeyb ka ah dadaalada looga hortagayo faafista cudurka coronavirus, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Xuska ayaa waxaa qeyb ka ahaa gaado-kaciyaarka ciidamada oo lagu qaban lahaa dalka oo dhan maanta oo bishu tahay 12-ka April, 2020. Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa la asaasay 12-kii April sanadkii 1960.
Tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay gudaha Soomaaliya ayaa ah 21 qof, sida ku cad xogta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo haayada WHO.
Arbacadii, qofkii ugu horeeyay ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday xanuunka coronavirus. Qofka xanuunka u dhintay ayaa ahaa muwaadin Soomaali oo 58-jir ah.
Be the first to comment