Xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay oo markii hore gaarayay 107 xubnood ayaa 16 kamid ah ay ka noqdeen go’aankooda, taasoo keentay in tiradii la rabay ay dhammeystirmi weyday.
92 xildhibaan ayaa la rabay in ay saxiixdo sida uu dastuurku qabo balse tirada xildhibaanada ayaa noqotay 91, mooshinka ayaana sidaas ku fashilmay, sida ay sheegeen xildhibaanadu.