Miisaaniyada Soomaaliya oo dib u eegis lagu samaynayo kadib koror 13%

Puntland Mirror
1 Min Read
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. [Sawir Hore]

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meelmariyay dib u eegis lagu sameeyay miisaaniyada 2019 kadib markii la qiyaasay dakhli badan oo gudaha ah, sida ay ku warantay wakaalada caalamiga ah ee ka faalooda dhaqaalaha ee Bloomberg oo soo xiganaysa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dowladda ayaa filaysa in ay kharash garayso $390 milyan, marka la barbardhigo qiyaastii hore oo ahayd $344 milyan. Sidoo kale waxay rajaynaysaa in $221.3 milyan uu kor u kaco dakhliga gudaha, oo awal ahaa $189.9 milyan.

Dhaqaalaha mashaariicda dibada ee taageerada miisaaniyadeed ayaa gaari doona %9 boqolkiiba oo dhan $168.8 milyan.

Dib u eegista miisaaniyada ayaa baarlamaanku ka doodi doonaa bisha soo socota ee Oktoobar.

Haayada Lacagta Adduunka ee IMF ayaa aaminsan in koboca dhaqaalaha Soomaaliya uu ku negaan doono 2.9 boqolkiiba sanadka 2019.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *