Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada rafcaanka ee ciidamada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ku raacday xukun dil ah oo ka dhan ahaa afar xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.
Xubnahan ayaa horey waxaa dil toogasho ah ugu xukuntay maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Puntland.