Maxkamada darajada kowaad ee Boosaaso oo dil ku xukuntay afar xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Puntland Mirror
1 Min Read
Xubnaha dilka lagu xukumay. [Isha Sawirka: Facebook]

Xubnaha dilka lagu xukumay. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada darajada kowaad ee Boosaaso ayaa maanta oo Talaado ah dil ku xukuntay afar xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dilal qorshaysan ka fuliyeen magaalada, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadda.

Haayadaha ammaanka Puntland ayaa dhawaan gudaha magaalada Boosaaso ku qabtay shabakado katirsan kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo ISIS, kuwaasoo qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *