Askarta la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen fal dambiyeed dil ah oo ka dhan ahaa dad shacab ah. Waxaana kamid ah nin xaaskiisa dilay, sida uu sheegay Bashiir Maxamuud Xareed, oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Jubbaland.
Saddexda askari ayaa si wadajir ah loogu toogtay garoonkii hore ee diyaaradaha ee Akadeemi, oo dhanka waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.