Weerarka ayaa Talaadadii shalay ka dhacay meel qiyaastii 50 km dhanka galbeedka uga beegan caasimada Muqdisho, waxaana lagu dilay labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab.
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay ayaa sidoo kale lagu burburshay duqeynta, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.
Weerarkan ayaa ahaa kii kowaad oo Mareykanku ku qaado maleeshiyada Al-Shabaab sanadka cusub 2018.