Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa ballaariyay cunaqabataynta fiisaha ee ka dhanka ah shakhsiyaad Soomaali ah kadib markii markale ay ku guuldareysteen in ay soo gabagabeeyaan wakhtiga kama dambaysta ah oo ahaa 15-ka Maarso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka.
Dabayaaqadii Febaraayo ayaa Mareykanka uu isclaamiyay in uu xadidaad socdaal uu dul dhigay masuuliyiin Soomaaliyeed iyo shakhsiyaad kale kadib markii ay doorashada baarlamaanka wakhtigii qorshuhu ahaa lagu qaban waayay.