![Maleeshiyada Al-Shabaab oo dib u la wareegay degmada Moqokori kadib markii ciidamada is-bahaysanaya ay baneeyeen.[Sawirka: Twitter]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/12/Moqokori-district.jpg)
Maleeshiyo aad u hubaysan oo wata baabuurta gaashaaman ayaa subaxnimadii Arbacada gudaha u galay degmada kadib markii ay ka tageen xoogaga is-bahaysanaya, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Moqokori ayaa ah degmo kutaala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waa markii saddexaad sanadkan gudihiisa oo ay maleeshiyadu gudaha u galaan degmada kadib markii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya oo hoostaga howlgalka AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
