Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimaha haayada socdaalka Maxamed Faarax Ashkir, sida lagu sheegay digree kasoo baxday Madaxweyne ku xigeenka.
Digreetada ayaa lagu dhex sheegay in madaxweyne ku xigeenku uu shaqada ka joojiyay agaasimaha kadib markii lagu helay dhaqan kasoo horjeeda shaqada.
Ashkir ayaa waxaa agaasimaha haayada socdaalka u magacaabay Madaxweyne Cabdiweli bishii lasoo dhaafay.