Istanbul-(Puntland Mirror) Daacish iyo ururada argagixisada kale ayaa sababay baa’ba Muslimiinta, sida uu sheegay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan maanta oo Isniin ah.
Isaga oo ka hadlayay munaasabad dhalinyaro oo ka dhacday magaalada Istanbul oo ay soo qabanqaabisay dalada dhalinyarada Turkiga (TUGVA), Erdogan ayaa sheegay in Muslimiinta ay dhibaato badan kasoo gaartay gacanta Daacish iyo ururo kale oo argagixiso.
“Ururada argagixisada sida Daacish ayaa dhibaatada ugu badan u keenay dadka Muslimiinta ah,” ayuu yiri Erdogan.