Qaahiro-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-sisi kulan kula yeeshay gudaha magaalada Qaahira maanta oo Axad ah.
Qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Al-sisi ay kawadahadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah safar ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-Sisi.