Madaxweynaha soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo la qaadan doono Amiirka Qatar inta uu ku guda jiro safarkiisa.
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamim ayaa la filayaa in ay kulankooda uga wada hadli doonaan xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii Qatar ay taageero u siin lahayd Soomaaliya oo doonaysa in ay kasoo kabato dagaalo sookeeye oo ka socday muddo sannooyin ah.