“Abaarta waxay ka jirtaa meel walba laakiin waxay si gaar ah ugu dhufutay waqooyiga-galbeed iyo waqooyiga-bari, Somaliland iyo Puntland, halkaas oo xoolo badan ay mar hore ku dhinteen, iyo dhowr qof” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh oo wareysi siiyay warbaahinta Bloomberg News.
Ku dhawaad 5 milyan oo Soomaali ah, ayaa wajahaya cuno iyo biyo yaraan ay keentay abaarta ka jirta dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.