Madaxweynaha Puntland oo u safray Muqdisho

Madaxweynaha Puntland oo u safay Muqdisho. [sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Khamiis ah u safray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ilo-wareedyada ayaan sheegin ujeedka safarka Madaxweynaha, balse waxaa la filayaa in uu ka qaybgalo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasoo la filayo in uu ku dhaco Muqdisho asbuuca soo socda.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa shalay oo Arbaco ahayd magaalada Gaalkacyo dib ugu soo noqday kadib markii uu dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ku soo saxiixay heshiiska DP World ee horumarinta dekada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*