Ilo-wareedyada ayaan sheegin ujeedka safarka Madaxweynaha, balse waxaa la filayaa in uu ka qaybgalo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasoo la filayo in uu ku dhaco Muqdisho asbuuca soo socda.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa shalay oo Arbaco ahayd magaalada Gaalkacyo dib ugu soo noqday kadib markii uu dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ku soo saxiixay heshiiska DP World ee horumarinta dekada Boosaaso.