Madaxweyne Cabdiweli ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Addis Aababa kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Workneg Gobeyehu.
Madaxweynaha Puntland ayaa maanta u safray dalka Itoobiya kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Kahor intii uusan ka tagin Garoowe, Cabdiweli ayaa sheegay in wadahadalo la yeelan doono masuuliyiinta sare ee Itoobiya.