“Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu isugu nimaadno Xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya inaan aqbalnay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Waxaa jiray khilaaf soo ifbaxayay oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada tan iyo markii intooda badan maamuladu ay la safteen xulufada Sucuudi Caraabiya ee kasoo horjeeda Qatar, halka dowladda dhexe ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaaf Khaliijka.