Madaxweynaha Puntland oo qabtay kulan deg deg ah kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gudaha Buuraha Galgala

Puntland Mirror
1 Min Read
Puntland President held an emergency meeting after Al-Shabab attack on army in Galgala Mountains. [Photo: Archive]

Madaxweynaha Puntland oo qabtay kulan deg deg ah kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gudaha Buuraha Galgala. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan deg deg ah ku qabtay xarunta madaxtooyada kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala subaxnimadii hore maanta oo Khamiis ah.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Ugu yaraan 25 askari oo ciidamada Puntland katirsan ayaa lagu dilay weerarka kaas oo lala bartilmaameedsaday saldhiga Af-urur oo kuyaala Buuraha Galgala,waxaana uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo hal maalin soo gaara ciidamada Puntland tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab sanadkii 2010-ka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *