Isaga oo saxaafada kula hadlayay Garoowe maanta oo Sabti ah kadib markii uu ka soo noqday safar uu muddo asbuuc ka badan ku joogay dalka Kenya, ayaa la weydiiyay in uu u tartami doono mar kale madaxweynenimada Puntland, balse waa uu ka gaabsaday, isaga oo sheegay in uu ka jawaabi doono “wakhtigeeda”.
Wax ka yar saddex bilood ayaa ka harsan wakhtigii shanta-sanno ahaa ee madaxweyne Cabdiweli oo la doortay bishii Janaayo 2014.
Gudaha Puntland, waxaa ka socda ololaha doorashada musharixiinta ku dhawaaqay in ay u tartamayaan xafiiska madaxweynaha, sidoo kale soo xulista xildhibaanada cusub ayaa socota kuwaasoo lagu soo xulayo hab-beeleed.