Madaxweynaha Puntland oo codsaday caawimaad caalami ah oo wax looga qabto abaarta daran

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntlamd Mirror]
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntlamd Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay caawiyaan dadka abaartu saamaysay ee kunool gobolada Puntland.

Isaga oo saxaafada kula hadlayay shalay oo Arbaco ahayd magaalada Garoowe, madaxweynaha Puntland ayaa iclaamiyay caawimaad caalami ah oo deg deg ah.

“Xaalada abaarta ee gudaha Puntland waa mid aad u daran, xoolo badan baa dhintay, dadka reer miyiga ahna waxay ka hayaameen dhulkii ay ku nolaayeen waxayna ku xeroodeen magaalooyinka sababtoo ah xoolahoodii baa ka baxay,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.

“Waxaan si deg deg ah u uga codsanayaa beesha caalamka in ay cuno iyo biyo ku caawiyaan dadka ay abaartu saamaysay.” Ayuu ku daray.

Gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag iyo Karkaar ayaa ah meelaha ugu daran oo ay abaarta jirta saamaysay, sida ay sheegtay haayada musiibooyinka iyo arrimaha insaanimada u qaabilsan Puntland ee HADMA.

Gobolka Karkaar, ugu yaraan labo qof ayaa u dhimatay gaajo iyo haraad, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xilli roobaadkii Deyrta oo baaqatay, taasoo sida caadiga ah la heli jiray Oktoobar ilaa November, ayaa keentay abaarta taasoo la filayo in ay kasii darto bilaha soo socda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*