Dowladdii Cabdiweli Maxamed Cali ayaa lagu eedayn jiray daabacaada lacagta Shillin Soomaaliga ah, balse marar badan ayuu inkiray in lacag la daabaco.
Sidoo kale digreeto uu soo saaray madaxweynaha, ayaa lagu joojiyay dhammaan dhismaha sharci darada ee dhulka dowladda.
Deni ayaa maanta oo isniin xafiiska la wareegay, asbuuc kadib markii xildhibaanadu u doorteen madaxweynaha dowladda Puntland shanta sanno ee socota.