Inta uu joogo Garoowe, Axmed Madoobe ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Safarkiisa ayaa imaanaya iyadoo ay soo dhowyihiin doorashada xubnaha aqalka hooes ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorashada xubnaha aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa asbuucaan soo gabogabowday.