Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay wefdi ka socday dalka Jarmalka.
Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayay agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibada dalka Jarmalka u qaabilsan wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika, Georg Schmidt.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdiga Jarmalka ka socday ayaa ka wadahadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal, doorashooyinka dalka ka dhacaya dhawaan iyo arrimo kale oo badan.
Georg Schmidt, ayaa sheegay in dalka Jarmalka uu door ka ciyaari doono sidii Soomaaliya ay markale cagaheeda isugu taagi lahayd.
Ugu dambayna Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wefdiga faray in ay salaan ka gaarsiiyaan raysulwasaaraha dalka Jarmalka, Angela Merkel, iyo shacab weynaha Jarmalka.