Hadalka cusub oo uu iclaamiyay ayuu ka sheegay taleefishinka dowladda shalay oo Jimce ahayd.
Yahya Jammeh ayaa asbuuc kahor ka qirtay taleefishinka dowladda in looga adkaaday doorashada.
“Kadib baaritaan buuxa, waxaan go’aan ku gaaray in aan diido natiijadii doorashadii dhawaan.” Ayuu yiri Jammeh.
“Waxaan amrayaa doorasho cusub oo xaq ah.” Ayuu ku daray madaxweynuhu.
Go’aanka cusub oo uu qaatay Yahya Jammeh ayaa caqabad lama filaan ah ku ah Adama Barrow oo ku guuleystay doorashadii dhawaan dhacday.