Garoowe-(Puntlland Mirror) Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in asbuucaan ay kulan ku yeeshaan magaalada Baydhabo kulankaas oo ay diirada ku saari doonaan arrimaha doorashooyinka, sida ilowareedyo madaxtooyada Puntland ku dhow ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa heshiisyo laga gaaray balse weli waxaa jira gaabis iyadoo xukuumada Farmaajo uu wakhtigeedii ku egaa 8-dii Febaraayo 2021.