Maalinta Cunnada Adduunka: Waa Sidee Sugnaanta Cunnada Soomaaliya!

Puntland Mirror
0 Min Read
Haweenay Soomaaliyeed oo beerteeda ka guratay qudaar. [Xigashada Sawirka: IOM Somalia]

Maadaama Adduunka shalay oo ahayd 14-ka Oktoobar laga xusay Maalinta Cunnada Adduunka, waxaan muhiim u arkay inaan isku baraarujinno xaqiiqada daran ee sugnaan la’aanta cunnada ee ka jirta dalkeenna Soomaaliya. Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa maalin walba la tacaala sidii ay u heli lahaayeen cunto ku filan, warbixinno ay soo saareen Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) iyo Xafiiska Isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) horraantii 2023-ka ay muujinayaan in ka badan 6 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay u baahanyihiin gargaar degdeg ah. Xaaladdaan halista ah waxay si toos ah ula xiriirtaa arimo badan oo ay ka mid tahay ku-tiirsanaanta cunnada laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa, iyada oo ugu badnaan cuntooyinka aan sida maalinlaha ah u cunno aan kasoo dhoofsanno dalka dibaddiisa!

Soomaaliya ayaa ku bixisay qiimo dhan USD 6.3 bilyan alaabaha laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa sanadkii 2022-ka, sida lagu sheegay Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ee la daabacay 2023-ka. Cunnada ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee la soo dhoofiyo sida ku cad warbixinta, iyadoo raashin qiimihiisu dhan yahay USD 2.1 bilyan laga soo dhoofiyay dalka dibaddiisa sanadkii 2022-ka, taas oo boqollay ahaan ka dhigan 33% dhammaan waxyaabaha aynu soo dhoofsanno.

Annaga oo taas niyadda ku hayna aynu dib u eegno markii sare u kaca uu ku yimid qiimaha cunnada caalamka, saamayntii ay ku yeelatay qiimaha maciishadda dalkeenna iyada oo si daran u saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed. Taas oo ay waliba si gaar ah qoysaska Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah usii dheerayd dhibaatooyinka ay sababeen abaarta iyo isbeddelka cimillada oo sii adkeeya xaaladda marwalba, xaqiiqdaas ayaa inaka dhigaysa dad aad ugu nugul isbeddellada caalamiga ah ee inaga fog ee aynaan waxba ka qaban karin.

Dagaalka Ukraine wuxuu tusaale cad u yahay sida isbeddellada caalamiga ahi ay inoogu yeeshaan saamaynta taban oo tooska ah.

Warbixinnada ay soo saareen Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo Bangiga Adduunka intii u dhaxaysay 2022-ka iyo horraantii 2023-ka ayaa muujiyay sida joojinta dhoofinta Qamadiga ee ka imaanayay dalka Ukraine; oo ah mid ka mid ah dalalka ugu badan ee Qamadiga dhoofiya adduunka kadib dagaalkii dalkaas ka dhacay, ay sababtay in qiimaha maciishadda gaar ahaan raashinku uu sare u kaco dalkeenna. Maadaama in ka badan 80% Qamadiga aan isticmaalno aan kasoo dhoofsanno dalka bannaankiisa!

Tani waxay inoo caddaynaysaa helista aynu la noolnahay taas oo khasbaysa baahida loo qabo in la dhiso nidaamka waxsoosaarka cuntada dalkeenna gaar ahaan beeraha si aan dul ugu yeelanno ugana badbaadno khataraha ka imaan kara isbeddellada ka dhacaya dunida ee waayahaan isasoo taraya.

Ugu danabyntii haddii aan soo xigto hadal uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud dhawaan ka yiri madal uu ka hadlayay oo ahaa Waxaan rabnaa in qof kasta cambuuladiisa [digirtiisa] helo, qof cambuulo shaxaadaya xor ma aha, waxaan rabnaa in Soomaaliya cambuulo aysan caalamka ka sugin ee cambuuladeeda miiska soo saarato oo isku filnaato haddaba si aan uga baxno ku-tiirsanaanta soo dhoofsiga cuntooyinka gaar ahaan kuwa daruuriga ah, una gaarno hamigaas madaxweynaha ee ku aaddan sugnaan iyo iskufilnaansho dhanka cuntada ah, waa in dowladda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah ay qorshe cad ka yeeshaan, xooggana saaraan horumarinta wax soo saarka dalka gudihiisa iyo isticmaalka hababka waara ee ka dhigaya Soomaaliya mid u diyaarsana saameynta isbeddellada dunidu ku yeeshaan sugnaanta cunnada. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la maalgaliyo ilaha kala duwan ee waxsoosaarka cunnada, lana horumariyo nidaamyada waraabka iyo beeridda casriga ah, iyo in la xoojiyo awoodda beeraleyda dalka si loo daboolo baahida cunnada dalka.

Qoraaga: Cabdiraxmaan Abshir Jaamac, dhaqaale-yahan iyo cilmi-baare.
_____________________________________________________
Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *