Mahad Maxamuud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa sameynta koox ISIS ah kuwaasoo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya.
Ninka labaad oo la dhaho Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo loo yaqaan Dr Raage ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa caafimaadka ee ISIS, wuxuu sidoo kale masuul ka ahaa soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan ururku.