Labo maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Jubbada Dhexe

Puntland Mirror
1 Min Read
Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka geystay gudaha Soomaaliya, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen maanta oo Axad ah.

Duqeynta oo Sabtidii ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa labo maleeshiyo ah, mid kale ayaa lagu dhaawacay, halka xarun ay Al-Shabaab leedahay lagu burburshay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Wax shacab ah khasaare kama soo gaarin duqeynta, AFRICOM ayaa intaas ku daray.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *