Gaari ayaa jiiray labada caruurta ah oo ka tallaabayay waddo kutaala degmada Waaberi ee Muqdisho.
Labo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka.
Labada caruur oo da’dooda lagu qiyaasay 8 ilaa 13 jir ayaa ahaa walaalo, sida qof dadka deegaanka katirsan uu sheegay warsidaha Puntland Mirror.
Sababta keentay shilka ayaa la baarayaa, sida ay sheegeen ciidanka booliisku.