Qaraxa ayaa dhacay iyadoo madaxweynaha uu ku jiray safar uu ugu sii socday Boosaaso.
Maleeshiyada argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku warameen warbaahinta afkooda ku hadasha.
Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ka ugu tacsiyeeyay qoyska ay ka baxeen labada askari.
Magaalada Boosaaso ayaa qorshuhu yahay in ay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo Puntland ku matali doona baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.