Arbacadii fiidkeedii, kumanaan banaan-baxayaal ah ayaa kusooo xoomay wadooyinka Manhattan iyo New York City. Dadka qaar baa gubay calanka Mareykanka ilaa ay ka gaareen dhismaha Trump iyagoo qaarkood ay ku heeseen, “Maahan madaxweynahayaga.”
Si kastoo ay ahaataba markii la doortay kadib Donald Trump ayaa khudbadii uu jeediyay ku sheegay in uu yahay madaxweynaha dhammaan Mareykanka isagoo sheegay: “Waa wakhtigii aynu wadajiri lahayn sida dad midaysan.”