700,000 qof ayaa guryahooda ka barakacay abaarta jirta awgeed, ayuu ku sii daray ergaygu.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in doorashadii daahday ay dalka ka mashquulisay ka jawaabista abaaraha, taasoo sii xumaysay u gargaarida dadka ay abaartu saamaysay.
Abaarta hadda jirta ayaa waxaa sababay labadii xilli roobaad ee uu dambeeyay oo aan si fiican looga helin dalka kuyaala Geeska Afrika oo sannooyinkii u dambeeyay wajahay abaaro daran.