Muqdisho-(Puntland Mirror) Koox hubeysan ayaa maanta oo Talaado ah xoog ku gashay huteel ku yaalla magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku shirayeen waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,sida ay sheegeen ilo-wareedyo dadka deegaanka ah.
Xildhibaan Dahir Amiin Jesow, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Beledweyne, ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ugu yaraan afar qof la dilay, balse ay weli tirinayaan khasaaraha dhabta ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna ku andacootay in ay dishay in ka badan 10 qof.
Huteelka ayaa waxaa ku sugna odayaal dhaqameed reer Beledweyne ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Al-Shabaab ayaa si joogto ah uga fulisa qaraxyo iyo weerarro hubeysan gudaha Soomaaliya, iyagoo isku dayaya inay ridaan dowladda islamarkaana ay hirgeliyaan xukun adag oo ku saleysan fasirkooda xag-jirka ah ee shareecada Islaamka.