Laascaano-(Puntland Mirror) Khilaaf ayaa ka dhashay shir la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah.
Shirkan ayaa loogu talagalay in lagu dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in kooxo mucaarad ahi ay cabashooyin muujiyeen. Qodobka ugu weyn ee muranku ka taagan yahay ayaa ah ka qaybgalka wafdi ka socda gobolka Sanaag.
Inkasta oo odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag ay xaqiijiyeen ka-qaybgalka shirka — kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya — haddana waxaa jira dhinacyo ka soo horjeeda arrintaas.
Khilaaf ayaa sidoo kale ka dhexjira odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo ku saabsan shirkan, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Xalay kulan uu hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye la yeeshay qaar kamid ah oday dhaqameedyada, ayaa qeybtood oo ku sugan Laascaano aysan ka qeybgalin.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo uu xaqiijiyay Puntland Mirror, ayuu isinka caanka ah oo ka tirsan SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ku sheegay in uusan ka warqabin shirkan. Wuxuu carabka ku adkeeyay in SSC-Khaatumo ay iyaga taladooda xaq u leeyihiin, taasoo muujinaysa in uu jiro tabasho laga qabo faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.