Kalfadhiga ayaa waxaa ka qeybgalay maasuliyiin katirsan dowladda oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.
Kulanka maanta oo Sabti ah ayaa ah kalfadhigii 41-aad ee baarlamaanka Puntland.
Xildhibaanada ayaa ka doodi doona dhowr ajando inta lagu guda jiro kalfadhiga, kaasoo la filayo in uu socdo muddo ka badan bil.