Garoowe-(Puntland Mirror) Kalafadhigii kowaad ee golaha deegaanka cusub ee Dangorayo ayaa maanta oo Axad ah ka furmay degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal, sida ay sheegeen maamulka degmadu.
Kulanka oo socon doona muddo shan beri ah ayaa diirada lagu saarayaa, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, sidoo kale waxaa looga hadli doonaa miisaaniyada degmada ee sandka 2017-ka.
Waxaa kalafadhiga ka qeybgalay masuuliyiin ka socday dowladda oo ay kamdi ahaayeen guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdicasiis Cilmi Koor.
Waa kalafadhigii kowaad oo ay yeeshaan golaha cusub ee degmada Dangorayo, tan iyo markii 22-kii bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ay golaha deegaanka degmada Dangorayo doorasho muran badan ka dhashay ay Mukhtaar Cabdiraxmaan Axmed ugu doorteen guddoomiye.