Jowhar-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaan Juxa ayaa maanta oo Jimce ah tagay magaalada Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada madaxweynenimada Hir-Shabeelle, taasoo la qorsheeyay in ay dhacdo beri.
Juxa ayaa waxaa garoonka Jowhar ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Bare Maxamed.
Wasiirka ayaa waxaa weheliya masuuliyiinta dowladda federaalka katirsan oo ay kamidyihiin xildhibaano.
Be the first to comment