Soo-jeedinta shalay oo Sabti ahayd kasoo baxday Jawaari ayaa digniin u noqon karta in liiska wasiiradda ee raysulwasaaruhu soo dhisay ay diidmo kala kulmi karaan golaha baarlamaanka.
Jawaari ayaa ku andacooday in soo doorashada golaha wasiiradda ay kasoo horjeedo waxa uu ugu yeeray awood qaybsiga qabiilka ee Soomaaliya.
Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa bilowgii asbuucii lasoo dhaafay ku dhawaaqay golaha wasiiraddiisa.
Golaha wasiiradda cusub ayaa la filayay in asbuucaan la hor-geeyo xildhibaanada baarlamaanka si ay ugu qaadaan codka kalsoonida ah.